Golaha wasiirada maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta yeeshey kulankoodii ugu horeeyey xili shalay uun lasoo dhamaystirey golaha.
Waxaa shir guddoominayay ku simaha madaxweynaha Maxamed Xasan Fiqi oo ah wasiirka Beeraha iyo Waraabka, waxaana looga hadlayay amniga xarunta kumeelgaarka ah ee maamulka ee Baydhabo.
Waxaa si faahfaahsan looga hadlay weerarkii Alshabaab ay ku qaadeen xerada ciidamada ee Baydhabo duleedkeeda maalmo ka hor iyo guud ahaan amniga Baydhabo.



From the comments