
Maamulka isbitaalka Magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan waqooyiga magaaladaasi ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay xaaladda caafimaad macalimiin maalin kahor qarax lagula eegtay magaalada Gaalkacyo, kuwaa oo Soomaali iyo Kenyaati isugu jira.
Dr Maxamed Xuseen oo ah agaasimaha Isbitaalkaan ayaa sheegay in Shan ka mid ah Bukaankii ay daweynayeen ay dib ugu celiyeen guryahooda, haatanna ay jiraan macalimiin xaaladooda ay aad u liidato.
Afar Bukaan ayuu sheegay in hadda Isbitaalka ay jiifaan, waxaana uu tilmaamay in mid ka mid ah daran yahay oo dhanka madaxa wax kasoo gaareyn, halka kuwa kalena ay u badan yihiin adimada iyo dhanka caloosha.



From the comments