Goobjoog

Waaxda Dabdamiska Maamulka Gobalka Banaadir Oo Sheegay In Ay Ku Guuleysteen Daminta Goobo Badan Oo Dab Ka Kacay (Dhageyso)

Waxaada maamulka gobalka Banaadir u qaabilsan dab daminta ayaa sheegay in ay ka hortageen goobo badan oo ku yaala magaalada Muqdisho in uu faafo dab ka kacay. Agaasimaha waaxdaasi Cabdulaahi…

Waxaada maamulka gobalka Banaadir u qaabilsan dab daminta ayaa sheegay in ay ka hortageen goobo badan oo ku yaala magaalada Muqdisho in uu faafo dab ka kacay.

Agaasimaha waaxdaasi Cabdulaahi Maxamed Cabdulle oo u waramay Goobjoog Fm ayaa sheegay in maamulka gobalka uu haysto qalab loogu tala galay in lagu damiyo dabka iyo sidoo kale shaqaalo u tababaran.

Waxa uu Agaasimaha intaasi warkiisa ku daray in Sanadkani ay soo saari doonaan tirakoob guud ahaan hantida ku baaba’day dabka ka kacay Muqdisho, waxaana uu si hordhac ah u sheegay in ay damiyeen ilaa 53 meel oo dab uu ka kacay.

Agaasimaha ayaa soo hadal qaaday dhanka kale xiriirka kala dhaxeeya ganacsatada Soomaaliyeed si hadii dab uu u kaco ay ula soo xiriiraan, isaga oo sheegay in ay leeyihiin Taleefano gaar ah oo dadka kala soo xiriiri karaan.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments