Wariyeyaal ka tirsan idaacadda Goobjoog ayaa la la’yahay caawo meel ay jaan iyo cirib dhigeen, iyada oo markii dad ugu war dambeysey ay gudanayeen hawlahooda shaqo casirnimadii maanta, gaar ahaan goobtii uu qaraxa ka dhacay ee Afisiyoone, halkaasi oo ay hawl shaqo u aadeen.
Wariyeyaasha warkooda la la’yahay waxa ay kala yihiin Maxamed Salaad Cusmaan oo ah madixa barnaamijyada iyo Ibraahim Xaaji Yuusuf oo ka Mid ah Wariyaasha Goobjoog.
Maamulka Goobjoog ayaa walaac ka muujiyey maqnaashaha wariyeyaasha, waxaana lagu guda jiraa baadi goobka warfidiyeenada oo ay taleefoonada dansanyihiin.



From the comments