Wasiir Ku xigeenka arimaha gudaha iyo amniga maamulka KMG ee Jubba Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa degmada Dooloow Soomaaliya iyo Itoobiya.
Nabadoon Xaaji Maxamed oo ka mid ah ehlada mas’uulkaan ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in hadda dhaawaciisa lagu daweynayo Isbitaal Melatari oo ku yaala magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.
Waxa uu inoo sheegay Nabadoonka in Cabdirashiid Janan ay wax kasoo gaareen dhanka Bawdada iyo Anqawga, xaaladiisana ay tahay mid yara wanaagsan.



From the comments