Biyo la’aan ayaa xilligaan laga soo sheegayaa deegaanka Gadoon ee gobalka Gal-gaduud, iyadoo dadka halkaasi ku dhaqan ay cabasho arintaasi la xiriirta muujinayaan.
Deegaankaasi waxaa ku yaala Hal Ceel oo dadka biyo ay ka cabi jireen hase ahaatee ay cillad soo wajahday, taasina ay keentay in dadka ay biyo la’aan noqdaan.
Nabadoon Mire oo ka mid ah waxgaradka ku dhaqan deegaankaasi yaa u sheegay Goobjoog Fm, in xilligaan sidoo kale ay faaruq yihiin Barkado biyaha ay dadka ku keydsan jireen xilliga jiilaalka, hadana aysan ogeyn meel ay biyo u raadsadaan.



From the comments