Gudoomiyahii Hore ee gobalka Mudug ee Galmudug Maxamuud Guure Guuleed ayaa sheegay in ay jiraan shaqsiyaad gaar ah oo ka shaqeynaya hurinta dagaalo u dhaxeeya beelo wada dega deegaanka Saaxo.
Waxa uu si kulul u eedeeyay gudoomiyaha Mudug ee Puntland in isaga uu sheegay in deegaanka Saaxo uu yahay deegaan Puntland, taasi oo uu kutilmaamay mid aan waxba ka jirin, deegaankaasina uu yahay mid umadda u dhaxeeya.
“Deegaanka Saaxo ma ahan mid Puntland ah waa deegaan Soomaaliyeed, shacabkaan waxay halkaasi wada deganaayeen kahor Labadaan maamul, dadka yaan la’isku dilin waana in aysan hurin colaadda dadka walaalaha ka dhaxeeya, nabadda ayaan rabnaa” ayuu yiri Maxamuud Guure Guuleed



From the comments