Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay kulamo gaar gaar ah, kaasi oo ay yeelanayeen qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Iyo Waxgaradka Soomaaliyeed, kuwaas oo baaqyo iyo talooyin loogu jeedinayo Ra’iisulwasaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke kuna aadan soo Magacabista Golihiisa Wasiirada.
Kulamada qaar ayaa loogu dalbaday Ra’iisulwasaare Cumar Cabdirashiid in si cadaalad ay ku dhisan tahay uu ku soo Magacabo Gole Wasiiro oo ay ku qancaan Ummada Soomaaliyed.
Waxgaradkaan qaarkood ayaa sheegay in Soomaaliya xilligaan ay u baahan tahay in la helo Nabad iyo kala dambeyn, sidoo kalena Ra’iisul wasaaraha laga doonayo inuu soo magacaabo dad leh aqoontaasi.



From the comments