Waxaa maalintii Labaad gacanta ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ku jira Laba Wariye oo ka tirsan Goobjoog Fm, kuwaa oo shalay gelinkii dambe ay ciidanka qabteen iyaga oo howshooda shaqo ku jiray.
Wariyaashaan oo kala ah Madax Barnaamijyada Goobjoog Maxamed Salaad Cismaan iyo Ibraahim Xaaji Yuusuf oo isna ka mid ah Wardoonayaasha Goobjoog, waxaana xilligii ay ciidanka qabanayeen howlo shaqo u tageen Qarax shalay ka dhacay Wadada 21 October ee magaalada Muqdisho.
Wariyaasha ayaa xalay ku hoyday xabsi ku yaala magaalada Muqdisho, iyadoo tani ay walaac muujiyeen Maamulka Goobjoog Fm.



From the comments