Sheekh Cumar Cabdiqaadir oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeya si sharci ah uu gudoomiyaha golaha fulinta u yahay Macalin Maxamed Axmed Faarax loogana fadhiyo shaqooyin badan.
Gudoomiyaha la doortay ayaa dhankiisa hadal kooban oo uu jeediyay waxa uu sheegay in isku keeni doono xubnaha Ahlu-sunna ee xilligaan kala maqan, islamarkaana uu howsha ka dhaqaajin doono halka ay haatan joogto.
Khilaaf ayaa ka dhex jira maamulka Ahlu-sunna Waljameeca, waxaana jira xubno hadda banaanka uga maqan magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb, iyadoo sidoo kale doorashada maanta aysan ahayn mid ay u wada dhamaayeen xubnaha golaha talada maamulkaasi.
From the comments