Maamulka Puntland Oo Qiray In Amni Xumi Ay Ka Jirto Gobalka Mudug (Dhageyso)
Maamulka Gobalka Mudug ee Puntland ayaa qiray in amaan xumi ay ka jirto gobalkaasi gaar ahaan magaalada Gaalkacyo. Gudoomiye ku xigeenka Labaad gobalka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuure oo…
Published January 5, 2015
Akhris 1 daqiiqo ah
Maamulka Gobalka Mudug ee Puntland ayaa qiray in amaan xumi ay ka jirto gobalkaasi gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.
Gudoomiye ku xigeenka Labaad gobalka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuure oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in amniga uu qal qal galay, islamarkaana ka maamul ahaan ay bilaabayaan howlgalo amniga lagu xaqiijinayo.
Waxa uu sheegay in wada shaqeyn wanaagsan ay ka dhaxeyso dhanka maamulka Gal-mudug, ayna iska kaashan doonaan cid walba oo nabadda kasoo horjeeda.
Ciidamada amaanka magaalada Gaalkacyo ayuu sheegay in ay wadaan howlgalo ay ku doonayaan in amniga lagu soo celiyo, shacabkana ay ka doonayaan wada shaqeyn.
From the comments