Waxaa maanta xiran qeyb ka mid ah wadada Makka Al-mukarrama ee Magaalada Muqdisho, iyadoo halkaasi loo diidayo gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka ah ee Shacabka adeegsadaan.
Wariyaha Goobjoog Fm, Maxamuud Cismaan Warsame oo soo maray wadadaasi ayaa sheegay in ay xiran tahay inta u dhaxeyso Igoysyada Tiyaatarka iyo Dabka.
Dadka ku dhaqan magaalada oo aad moodo in ay la qabsadeen arintaasi ayaa sida caadiga ahba bilaabay in ay dhanka xaafadaha maraan, iyadoo inta ay ka xiran tahay wadada ay ciidamo badan ku sugan yihiin.



From the comments