Maanta waxaa lagu waday in maxkamadda horteeda lasoo taago 2 wariye oo ka tirsan idaacaddaha hawada ka maqan ee Radio Shabelle iyo Sky Maxamed Bashiir iyo Maxamed Carab, waxaana ugu wacan kadib markii garyaqaankii u doodi lahaa wariyeyaashani uu iman waayay maxkamadda.
Agaasimaha Radio Shabelle Maxamed Muuse oo saxaafadda la hadlay markii dhagaysiga dacwadda lasoo xirey ayaa sheegey in aysan ogeyn sababta qareenka u gooyey, iyada oo maalmihii lasoo dhaafay illaa xalay ay qareenka xiriir la lahaayeen, kuna balansanaayeen in uu xiliga dacwadda soo xaadiro.
Waxaa kale oo maxkamadda lasoo taagay mulkiilaha idaacadda Shabeelle Cabdimaalik kaasi oo hase yeeshee isaga oo banaanka xabsiga ka joogo ay dacwadda ku socoto.



From the comments