Ciidamada amaanka ee magaalada Garoowe ayaa maanta sameeyay howlgal balaaran oo lagu qab qabtay gaadiid badan oo nooca raaxada ah ka dib markii la sheegay in aysan dhiibin lacagta canshuurta ah.
Gadiidkii ugu badnaa ayaa maanta la geeyay saldhiga magaaladaasi, waxaana laga qaadayaa milkiilayaasha gaadiidkaan lacag ganaax ah iyo sidoo kale lacagta casnshuurta.
Lacagahaan canshuurta ah ayaa sidoo kale la sheegay in laga qaadayo shaqaalaha rayidka ah ee maamulka Puntland, iyadoo howlgalka maanta uu ahaa mid aad u cuus.



From the comments