Maamulada KMG ah ee Koonfur Galbeed iyo Jubba ayaa iska kaashanaya la dagaalanka Al-shabaab ka dib heshiis Labada Madaxweyne ee maamuladaasi ku kala saxiixdeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose.
Wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabdi oo wareysi siiyay Goobjoog FM ayaa sheegay in arimo dhowr ay iska kaashan doonaan Labada Maamulka sida dagaalada ka dhanka Al-shabaab, sugidda amniga, tababarka ciidamada, arimaha ganacsiga iyo arimo kale.
Waxa uu sidoo kale sheegay wasiirka in Labada dhinac heshiiskii ay ku gaareen magaalada Kismaayo laga sugayo in la dhaqan geliyo, islamarkaana sida ugu macquulsan ay isku kaashadaan.



From the comments