olTaliska Booliiska Deegaanka Xeraale ee gobalka Gal-gaduud ayaa faah faahin dheeraad ah maanta ka bixiyay qaabka ay ku shaqeeyaan ciidamada Booliiska ee degmadaasi iyo sidoo kale agabka ciidankaan ku shaqeeyaan.
Taliyaha dhanka amaanka ee deegaanka Xeraale Maxamed Cali Maxamed ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in xilligaan aysan haysan agab ay ku shaqeeyaan, cabashadoodana taasi tahay.
Xarunta saldhiga ayuu sheegay in Laba qol oo kaliya yahay, ayna u baahnaan lahaayeen in qolal dheeraad ah lagu daro, maadaama xilligaan aan lagu shaqeyn karin.



From the comments