Dab xoogan ayaa goor dhaw oo galabta ah waxa uu ka kacay goob ay xaafadda Siligi Ameerikaanka ee degmada Wadajir ka deganaayeen dad barakacayaal ah, kaa oo qasaare geystay.
Dabkaan ayaa wararka waxay sheegayaan in markii hore uu ka kacay Burjiko raashiin lagu karinaaya, waxaana dabkaasi uu qabsaday mid ka mid ah guryaha Teendhooyinka ka sameysnaa ee halkaasi ku yaallay, sidaana dabka uu kusii faafay.
Haweeneey ayaa la sheegay in halkaasi ay waxyeelo dhaawac ah kasoo gaartay, sidoo kalena waxaa halkaasi ku basbeelay in ka badan 30 Kaam oo ay deganaayeen dadka barakacayaasha.




From the comments