Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray wafdi ka socday midowga Afrika oo uu hogaaminayay Ismaaciil Jarguu (Ismail Cehrgui), oo ah oo ah madaxa golaha Amniga ee Midowga Afrika, waxaana lagu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Sii hayaha xilka wasiirka gaashaandhiga ee xukuumada Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Danjiraja Soomaaliya u qaabilsan Itoobiya Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, saraakiil iyo mas’uuliyiin kale ayaa mas’uulkaan iyo wafdigii la socday si wadajir ah usoo dhaweeyay.
Intaasi ka dib ayaa loo galbiyay dhanka madaxtooyada Soomaaliya, halkaasi oo ay kula kulmeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale oo ay arimo badan ka wada hadleen.



From the comments