Sida uu faafiyey wargeyska New Vision ee kasoo baxa dalka Uganda, wasiirka difaaca dalkaasi Dr. Crispis Kiyonga ayaa sheegey in askar badan oo lagaga diley Soomaaliya iyo qalab badan oo kaga burburey aanan wax magdhow ah wali laga siinin.
Wasiirka ayaa sheegey in askarta laga diley 8 ka mid ah lagu diley weerarkii xarunta Midoowga Afrika ee Muqdisho ee Xalane, kaasi oo dhacay 25-tii Diseembar, 2014-ka.
Wasiirka ayaa ka hadlayay shir labo maalmood ah oo Kampala ka socdey, kaasi oo ay isugu yimaadeen wadamada ciidamada ka joogaan Soomaaliya.



From the comments