Maxkamada Gobalka Banaadir ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay Dacwooyinka ugu badan ee xilligaan horyaala maxkamada iyo sidoo kale waxyaabaha lagu guuleystay in la xaliyo,
Gudoomiyaha Maxkamadan Cilmi Xaashi Nuur oo u waramay Goobjoog ayaa sheegay in ay jiraan dacwado badan islamarkaana u badan is qab qabsiga dhanka dhulka, isaga oo tilmaamay in maxkamada uu ku yaaraday Kiisaska Kufsiga la xiriira ka dib markii uu sheegay in xukuno adag ay ku ridaan cidda wax kufsata ee cadeyn lagu helo.
Mar wax laga weydiiyay arinta ku aadan in lagu eedeeyo wax isdaba marin ayuu sheegay in warkaasi aanu waxba ka jirin, islamarkaana iyaga ay ka sareeyaan Maxkamado kale oo hadii qofka aanu xukunkaasi ku qanacsaneen uu maxkamadaha ka sareeya aadi karo si uu xukunkaasi racfaan uga qaato.



From the comments