Wararka naga soo gaaraya xaafadda Cali Kamiin Degmada Warta Nabadda ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax Miino ah, kaasi oo qasaare dhimasho iyo dhaawac sababay.
Miinadaan ayaa ahayd nooca dhulka lagu aaso waxaana la sheegay in lala eeganayay gaari ay saarnaayeen ciidamo ka mid ah dowladda Federaalka, hase ahaatee Miinada ay qaraxday gaariga markii uu halkaasi ka gudbay, taasina ay keentay in dad shacab ah ay waxyeelo kasoo gaarto sida uu inoo sheegay Goobjooge halkaasi ku sugan.
Laba qof oo shacab ah ayaa qarxaan ku geeriyootay, qof kale ayaa lasoo sheegayaa in uu ku dhaawacmay, waxaana goobta qaraxa ka dhacay buux dhaafiyay ciidamada dowladda Federaalka oo howlgalo wada.



From the comments