Taliska ciidamada Booliiska ee degmada Luuq ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in degmadaasi uu ka jiro is qab qabsi dhanka maamulka ah, taasi oo dhawaan gacan ka hadlay dhalisay.
Taliyaha saldhigaasi Siyaad Cabdiqaadir ayaa u sheegay Goobjoog Fm ayaa tilmaamay in xaaladda guud ee degmada Luuq ay tahay mid degan, waxaana meesha uu ka saaray in halkaasi ay gaareen maamulka cusub ee dhawaan uu soo magacaabay maamulka KMG ee Jubba.
“Wax maamul ah oo Kismaayo laga soo magacaabay ma jiraan, niman Garbahaareey ka yimid ayaa jira, maamulna ma ahan oo magaalada ayeey iska dhex joogaan, xaalad kacsanna malahan” ayuu yiri Taliyaha



From the comments