Maamulka gobalka Shabellaha Hoose ayaa qiray in deegaano ka mid ah gobalkaasi lasoo dhigay Isbaarooyin hor leh, kuwaasi oo qaarkood horay loo qaaday.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka amaanka ee gobalka Shabellaha Hoose Cali Nuurre Maxamed oo u waramay Goobjoog ayaa sheegay in ay ka warhayaan Isbaarooyinkaasi, islamarkaana hadda la qorsheynayo in dib loo bilaabo howlgal lagula dagaallami doono Isbaarada.
“Waan wadnaa qorshe aan ku doonayno in aan kula dagaallanno Isbaarooyinkaan, waxaa qeyb ka ah Isbaarada dad ka tirsanaa ciidanka Milatariga, oo xumaaday ama ka tagay, sidoo kale waxaa ku jira Maleeshiyo beeleed horay u dagaalsanaa laakiin la heshiisiiyay welina la qarameen,marka dadaal baa socda” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka.



From the comments