Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay u gurmadaan Soomaalida ku dhiban dalalka Yemen iyo Kenya.
Nabadoonka oo u waramay Goobjoog ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay u midoobaan sidii loogu gurman lahaa shacabkaasi.
Xaad ayaa dhinaca kale sheegay in shacabka ku sugan Yemen ay yihiin kuwo hadda ugu daran ee dhibaatada ugu xoogan haysato, isaga oo tilmaamay in gurmadka ugu horeeya ay dadkaasi Soomaaliyeed mudan yihiin.




From the comments