Koox hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ku dileen sarkaal ka tirsan maamulka Jubbaland.
Sarkaalkaan oo lagu magacaabayay Xasan Dhuub ayaa ahaa taliyahii hore ee ciidanka asluubta maamulkaasi, iyadoo dilka uu ka dhacay Xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo, waxaana goobtaasi ka baxsaday ragii falkaasi ka dambeeyay.
Dilka ka dib waxaa halkaasi gaaray ciidamada amniga maamulka Jubbaland, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgal.




From the comments