Koox Hubeysan ayaa caawa maqribkii waxa ay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ku dileen xildhibaan Saciid Xuseen Nuur Dirir oo ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka Puntland.
Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanka uu soo dukaday Salaadda Maqrib, islamarkaana ay jidka u galeen rag hubeysan oo sidoo kale halkaasi ku dilay askari isaga ilaalo u ahaa.
Qof ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa inoo sheegay in dilka markii uu dhacay ka dib la maqlay Laba qarax oo ah Bam gacanta laga tuuray, kuwaasi oo ay adeegsadeen ragii dilka ka dambeeyay xilliga ay baxsanayeen.




From the comments