Wasiirka arimaha dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ka hadlay arinta ku aadan qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya, waxaana uu tilmaamay in aysan jirin cid dowladda Fededraalka u timid una sheegtay in qasab loo rarayo Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkaasi Kenya.
Waxa uu sheegay in lagu dhaqmayo heshiiska seddax geesoodka ahaa, kaasi oo u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya, Kenya iyo Qaramada Midoobay.
“Heshiiska Seddax geesoodka ah ayaa la wadayaa, isaga ayaa sharci ku dhisan oo dadka oo dhan isku wada raacsan yihiin, wax iska bedalay oo aan kuu sheegi karo malahan, laakiin waxaan ogahay oo kaliya, qofna ma rabo in uu 20-sanadood Qaxooti ahaado, dadka Soomaalida in ay soo noqdaan bay rabaan dowladooda in ay soo noqoto bay rabaan oo si sharaf leh kusoo noqdaan” ayuu yiri Wasiir Hadliye.




From the comments