Urur Dhalinyaro oo ka dhisan Gobolada Jubooyinka ayaa soo dhaweeyay Barnaamijka Gurmad iyo Gargaar ee Goobjoog News, kaasi oo lagu baraarujinayo shacabka Soomaaliyeed, xilli ururkaasi ay caawiyaan dadka qaxootiga ee kasoo laabtay Dalka Kenya.
Shaafici Cabdinuur, waa gudoomiyaha ururka hormarinta dhalinyarada Jubbaland xilli uu nagu soo booqday Xarunta Goobjoog ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay in barnaamijkaan uu yahay mid shacabka Soomaaliyeed kicin doona, una istaagi doonaan sidii ay ku taakuleyn lahaayeen walaalahooda ku sugan Dalalka Yemen iyo Kenya.
Gudoomiyaha ayaa ugu yeeray bulshada Soomaaliyeed in ay is caawiyaan si ay u daboolaan baahida ay xilligaan qabaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhiban Yemen iyo Kenya.




From the comments