Xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, maalintii shalay ahayd kuwaasi oo halkaasi lagu soo dhaweeyay.
Xildhibaanadaan waxaa hogaaminayay Abuukaate Daahir Xasan Cabdi, waxaana tiradooda ay gaaraysaa 6, iyadoo xusid ay mudan tahay in xubnaha halkaasi tagay uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee arimaha gudaha Cabdullaahi Goodax Barre.
Uljeedka xildhibaanadaan ay halkaasi u tageen ayaa ah sidii ay ula socon lahaayeen shirka dib u heshiisiinta ee ka socda magaalada Baladweyne, islamarkaana ay ka qeybgali doonaan.




From the comments