Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qeybgaley xuska sannadguuradii 65-aad ee Maalinta Qaaradda Yurub oo ku beegan markii uu soo baxay qaraarkii waddamada Midowga Yurub ay ku go’aansadeen inay colaadaha kaga hortagaan.
Munaasabaddan oo ay ka soo qeybgaleen xubnaha labada gole, Madaxweynaha Maamulka KMG ee Koonfuur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, diblomaasiyiin, Saraakiisha AMISOM, Qaramada Midoobay iyo kuwo kale, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu ka jeediyey khudbad uu ku cabbirayo muhimadda maalintan iyo sida Soomaaliya ay uga faa’ideysan karto waayihii la soo marey.
“Maanta waa maalin aad u weyn oo qiimo badan. 65 sano ka hor Yurub waxay go’aansatey in ay midowdo ayna ka dhabeyso riyo aaney markaas u muuqan in ay hirgeli karto oo ah nabad ku wada noolaasho iyo ka shaqeynta horumarka. Tallaabadaasi cashar ayay u tahay dunida oo dhan, gaar ahaanna marka la eego xaaladda ka jirta dalkeena Soomaaliya, waxaan filayaa in aan wax badan oo dhinaca xasilinta iyo horumarka ah aan kaga dayan karno.’’










From the comments