Aqoonyahan Cabdiraxmaan Cabdullaahi Daqarre ayaa umadda Soomaaliyeed u jeediyay ka qeyb qaadashada barnaamijka Gurmad iyo Gargaar oo lagu soo celinayo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka Yemen iyo Kenya.
Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in hal meel looga soo wada jeesto u gurmashada dadka Soomaaliyeed oo ku dhexjira colaadaha ka jira wadanka Yemen.
Dadka hadda dalka ka maqan ee Qaxootiga ku ah dalalka Yemen iyo Kenya ayuu sheegay in ay yihiin kuwa aqoon badan leh, islamarkaana ayba ka qeybqaadan karaan dib u dhiska dalka Soomaaliya.




From the comments