Kulan maanta ay isugu yimaadeen golaha wasiirada ee maamulka Puntland, islamarkaana uu shir gudoominayay madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi ayaa looga hadlay arimo badan oo quseeya deegaanada Puntland ay ka taliso.
Arimaha amniga iyo sidii ay ula dagaalami lahaayee Al-shabaab ayaa shirkaasi lagu soo hadal qaaday, waxaana waxyaabaha la’isla gartay ka mid ah in la xoojiyo howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.
Sidoo kale golaha wasiirada Puntland ayaa isku raacay in deegaanada maamulkaasi ka arimiyo aanay tagi karin Seddax Guddi oo dhawaan dowladda Federaalka Magacawday, kuwaasi oo kala ah Guddiga Adeegga Garsoorka. Xuduudaha iyo guddiga Doorashooyinka.





From the comments