Wasiirka Gaashaadhigga Waqooyiga Kuuriya Hyon Yong Chol ayaa lagu toogtay hubka lidka diyaaradaha, kadib markii uu Wasiirka hurday xilli uu khudbeenayey hogaamiyaha dalkaasi Kim taasi oo ka dhigan Ixtiraam darro iyo Caasinimo
Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Koofurta Kuuriya Kim ayaa Wasiirka Gaashaadhigga ku toogtay goob ayey isugu yimaadeen Mas’uuliyiinta dalka iyo dadweynaha ayaa dhacday 30-kii bishii April 2015.
Kim ayaa dad badan laayey dalkaasi, sanadkan kaliya waxaa uu dilay 15 hogaamiye, Kim waxaa uu dilay inta badan dadkii uu ka shakiyay tan iyo markii aabihii uu geeriyooday sanadkii 2011, xiligaas uu qabsaday talada dalka.




From the comments