Waxaa Caasimadda Burundi ka bilowday dagaal aad u culus, Waxaa la soo sheegayaa in haatan ciidammada dalka Burundi ay u kala jabeen laba dhinac: koox taageersan inqilaabka iyo kuwa ka soo horjeeda.
Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Janaraal Godefroid Niyombareh uu ku dhawaaqay Afgambi ka dhan ah Madaxweynaha dalkaasi Pierre Nkurunziza isagoo sheegay in la dhisay guddiga badbaadinta qaranka si ay dalka u maamulaan mudada soo socota.
Dagaal ayaa hadda la sheegaa in uu ka socdo Garoonka diyaaradaha, Raadiyaha iyo Telefishinka dalkaasi, kuwaas oo isku dayaya in mid walba uu gacanta ku dhigo




From the comments