Muqdisho, 14, May, 2015..Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliye ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaan shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna kusimaha Ra’iisul Wasaaraha mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa looga hadlay arimaha qaxootiga, sharciga la dagaalanka argagaxisada iyo arrimaha amnig.
Golaha wasiirada ayaa dood dheer ka yeeshay sharciga la dagaalanka aragaxisada oo ka mid ahaa shuruuc ay xukuumadii hore dib uga soo celisay golaha Barlamaanka, sharcigan ayaa maanta goluhu si buuxda u ansixiyeen, iyadoo lagu salaynaayo baahida amniga ee waqtigaan la joogo dalku ku sugan yahay iyo halista argagaxisadu ku hayso muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in golaha wasiiradu ay meel mariyeen sharciga la dagaalanka argagaxisda “sida la socotaan waxay argagaxisadu halis ku tahay nabadgalyada gobolka iyo mida caalamka oo dhan. Argagaxisadu waxay caado ka dhigteen falal waxashnimo ah oo lidi ku ah dadka rayidka ah, iyo khal khal galinta horumarada kala duwan ee dalka kajira, iyaga oo ka soo horjeeda xaqa qofka Soomaaliga ah u leeyahay inuu sameeyo horumar. Waxay weeraro joogta ah ku qaadan goobaha shacabku dagan yahay, waxaana xukuumadda Soomaaliya ka go’an iney gacan adag uga hortagto falalka ay gaysteen kooxaha xagjirka ah” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumaddu.




From the comments