Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u direy shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, sannadguuradii 72-aad ee ka soo wareegtay munaasabadda 15-ka May oo ah markii la aasaasey dhaqdhaqaaqii xornimadoonka ee ay horkacayeen dhalinyaro Soomaali ah.
Munaasabaddaasi awgeed ayaa Madaxweynaha oo ay wehliyaan kumanaan qof waxaa uu socod ku marey qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, isagoo isla markaana ubax xusuus ah dhigey taalada SYL .
Socodka uu ku marey waddooyinka kadib, Madaxweynaha waxaa uu shacabka magaalada Muqdisho kula hadley fagaaraha Daljirka Daahsoon.





From the comments