Goobjoog

Ciidamada Puntland Oo Howlgallo Ka Wada Magalada Boosaaso

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa ku waramaya in ciidamada Puntland ay halkaasi ka wadaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo. Ciidamadaan ayaa howlgalka waxa ay ka wadaan…

Ciidamada Puntland Oo Howlgallo Ka Wada Magalada Boosaaso
SOMALIA, Mogadishu: In a photograph made available by the African Union-United Nations Information Support Team 7 May, female officers with the Somali Police Force (SPF) stands on parade ahead of a handover ceremony of equipment donated by the Government of Japan through the United Nations Political Office for Somalia (UNPOS) Trust Fund to support the rebuilding of the SPF in the Somali capital Mogadishu. The equipment included a motor transport fleet of 15 pick-up trucks, two troop personnel carries and two ambulances, 1.800 ballistic helmets and sets of handcuffs, over 1,000 VHF radio handsets, and musical instruments for the police band. AU-UN IST PHOTO / STUART PRICE.

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa ku waramaya in ciidamada Puntland ay halkaasi ka wadaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Ciidamadaan ayaa howlgalka waxa ay ka wadaan dhammaan xaafadaha magaalada Boosaaso ay ka kooban tahay, waxaana gudaha ay u galeen guryo badan oo halkaasi ku yaallay.

Tiro dhalinyaro ah ayaa howlgalkaan lagu soo qabtay sida ay sheegeen saraakiil u hadashay ciidanka howlgalka wada.

Qaar ka mid ah dhalinyaradii lasoo xiray ayaa lasii daayay, halka kuwo kalena lagu hayo saldhigga magaaladaasi, si baaritaan loogu sii sameeyo.

Magaalada Boosaaso waxaa dhawaan gaaray ciidamo ka mid ah Puntland oo tababar loogu soo xiray magaalada Qardho si ay amniga wax uga qabtaan.

Falal ka dhan ah ammaanka ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay ka dhaceen magaalada Boosaaso, waxaana la weerary saldhigyo iyo sidoo kale guryo ay deganaayeen Mas’uuliyiin ka mid ah gobalka Bari.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments