Maxkamad ku taalo dalka Masar ayaa ku xukuntay dil toogasho Maxamed Mursi Madaxweynihii Masar sababo la xiriira arimo la xiriira xabsi uu ka baxsaday kacddoonkii 2011-kii.
Mursi ayaa lagu eedeeyay isaga iyo Hogaamiyaal kale oo Ikhwaan ah in ay ka baxsadeen Xabsiga kadib markii Maleeshiyaad dibadda uga yimaadeen kuwaas oo gacan ku siiyay baxsadka.
Musri ayaa horay loogu xakumay 20 sano oo xarig ah kadib markii maxkamad ku heshay in dibad baxayaal lagu dilay laguna jir dilay xarunta Madaxtooyada.




From the comments