Qaar Ka Mid Ahaa Dadkii Ka Yimid Yemen Ee Boosaaso Tagay Oo Loo Amba Bixiyay Gobaladii Ay Deganaayeen (Sawirro)
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaa laga amba bixiyay 300 oo kuwaa oo ka mid ahaa dadkii horay loogu soo dhaweeyay halkaasi, kana yimid wadanka Yemen oo dagaallo ay ka socdaan.
Dadkaan oo aadaya deegaanadii ay horay u deganaan jireen ayaa gacan waxaa ka geystay in ay amba baxaan shirkadda Isgaarsiinta ee Golis Telcom Soomaaliya oo ku guuleystay in dadkii ugu horeeyay ay shalay ka amba bixiso Boosaaso.
Dadkaan ayaa loo kireeyay ku dhawaad 10 gaari oo Nooca Homey loo yaqaano, waxaana shirkadda Golis ay dadkaasi siisay Lacag Jid mar ah oo loogu dhiibayay qoys walba aabaha ama hooyada.
Dhamaan dadka shalay la qaaday ayaa u badnaa hooyooyin wata caruur yaryar iyo aabayaal qaar oo wata caruur hooyinkood geeriyoodeen iyo qaar looga soo tagay Yemen Duruufo dhaqaale Dartood waxaana Dhammaan ay Soo aadeen Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Kale ee Dalka Soomaaliya
Intii ay socotay Howsha Ambabixinta Dadkan ee shirkad Golis Waxaa Xarunta Yimid Maareeyaha Guud ee Shirkada Golis Siciid Aadan iyo qaar ka mid ah Masuliyinta shirkada kuwaas oo Dareenkooda Muslinimo iyo
Soomaalinimo la qeybsanaya Walaalahood dhibaateysan ee la amababixinayo
Qaar ka mid ah Dadka Maanta Baxayay Ayaa wariyaasha ay Microphone-ka la dhexqaadeen iyaga oo Dareemaya Faraxad Maadaama ay adayaan Deegaanoodi iyo in ay u tegi doonan Eheladooda.
Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur Hogaanka Xiriirka Dadweynaha ee Shirkada Golis ayaa warfideyeenka la hadlay Markii si rasmi ah loo sagootiyay Dadkaas baxayay isaga oo faahfaahiyay Ambabaxinta Golis ee
Dadkan
Geesta Kalena Wasiir ku xigeenka arimaha Gudaha ee Puntland Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero ayaa geestiisa Waxaa uu sheegay Tallaabada Golis Qaaday in ay Tahay mid ku dayasho mudan in Hal Shirkad ay Tirada intaa le’eg qaado waxaana uu baaq u diray Maamulada Deeganada ay sii marayaan Dadkan.
Xerada 300-qof maanta laga qaaday waxaa ku haray in ku dhow 700 oo kale oo u baahan gurmad qaadis ah, waxaana la qorsheynayaa in shirkado iyo Hayado kale ay iyana u qaadaan Dadkan Deegaanadoodi .
Yuusuf Cabdi Shire
Boosaso, Bari
Goobjoog News
Halkaan Hoose ka daawo Sawirada