Magaalada Muqdisho Waxaa maanta kusoo wajahan diyaarad sida muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku dhibanaa dalka Yemen oo dagaallo ka socdaan.
Dadkaan diyaaradda ay soo qaaday ayaa tiro ahaan gaaraya 95 qof, waxaana iska kaa shaday soo qaadistooda dowaladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adda socdaalka aduunka IOM.
Gudoomiyaha Guddiga Qaxootiga Qaranka Soomaaliyeed Axmed Daahir ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News in dadkaan maanta laga soo dejin dejin doono garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.




From the comments