Qaar ka mid ah dadkii kasoo laabtay Dalka Yeman ee soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa Dowlada Federaalka ka dalbaday in dib u dejin loo sameeyo, maadama Dalka ay kusoo laabteen iyaga oo xaalad adag ku sugan.
Hinda Maxamed oo ka mid ah dadka ka soo laabtay Dalka Yeman Isla markaana booqasho ku timid Xarunta Dhexe ee Goobjoog News ayaa sheegtay in intii wadada ay ku soo jireen ay lasoo kulmaan xaalado adag oo dhanka nolosha ah.
Waxa ay sheegtay in magaalada Muqdisho ay ku sugan tahay 15-cisho, iyadoo wadata Seddax caruur ah, waxaana ay si gaar ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uga codsatay in gurmad degdeg ah dadka ay iyadu ka mid tahay la gaaraan.




From the comments