Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa sheegay in xilligaan shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay u istaagaan sidii ay isugu gurman lahaayeen, maadaama muwaadiniin badan ay ku dhibban yihiin dalka Yemen.
Buubaa ayaa tilmaamay in maanta aan gacan shisheeye lagu halayn dadka Soomaaliyeed ee dushooda lagu dul dagaallamayo, islamarkaana muhiim ay tahay in cid walba wixii ay awoodo isku darto.
“Shacabka Soomaaliyeed waa in ay isku gurmadaan, waa in wixii la awoodo la’isku daro, waa in cid walba kaalmada ay ka qeybqaadato” ayuu yiri Buubaa




From the comments