Maamulka gobalka Banaadir ayaa sheegay in dib u dejin iyo soo dhaweyn ballaaran u sameyn doono dadka Soomaaliyeed ee kasoo cararay dagaallada ka socda dalka Yemen.
Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa mar uu la hadlay Goobjoog News, isaga oo ka qeyb qaadanayay barnaamij taburacaad loogu uruurinayay qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen sheegay in ka maamul ahaan kaalin ka qaadanayo sidii dadkaasi magaalada Muqdisho loogu soo dhaweyn lahaa.
Muungaab oo shaqsi ahaan dadkaasi ugu yaboohay Laba bil mushaarkii uu qaadan lahaa, taasi oo ah 12-kun oo doolar, waxaana uu sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay la shaqeynta iyo garab siinta guddiga Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed.




From the comments