Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaa maanta kusoo wajahan doon hor leh oo wada muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaasi oo kasoo cararay dagaallada ka socda wadanka Yemen.
Dooni lagu magacaabo Sultan ayaa la sheegayaa in ay maanta kasoo amba bixi doonto dalka Yemen, waxaana ay kusoo xiran doontaa magaalada Boosaaso, waxaana doonidaan saaran 2-kun oo qof.
Mustaf Maxamed Nuur Baana oo ah xiriiriyaha xaeunta gurmadka ah ee magaalada Boosaaso ayaa u sheegay Goobjoog News in dadkaan loo diyaar garoobay sidii loogu soo dhaweyn lahaa magaalada Boosaaso.




From the comments