Shacabka ku dhaqan deegaanno ka mid ah gobalka Shabellaha Dhexe ayaa ka baqaya in deegaanno badan oo ka mid ah gobalkaasi uu ku fataho wabiga Shabelle, xilli dad badan ay dhibaato kasoo gaartay fatahaada uu sameeyay wabigaasi.
Shacabka ku dhaqan deegaano hoostaga degmada Mahadaay ee Shabellaha Dhexe ayaa u sheegay Goobjoog News in dadka oo dhibaato haysato aan loo gurman, lagana cabsanayo in fatahaada ay deegaano kale gaarto.
Dadkani ayaa sheegay in lagu eegtay xaaladda ka jirta deegaanadooda, islamarkaana aan wax gurmad ah lala soo gaarin.




From the comments