Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Hassan Sheikh Mohamed oo ay wehlinayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Omar Abdirashid Ali Sharmarke iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka ( Villa Somalia) Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda Qatar H.E. Khalid bin Mohammed Al Attiyah oo booqasho ku yimid Caasimadda dalka ee Muqdisho.
Kulankaasi oo albaabada u xirnaa , waxaa xigay kulan ballaaran oo Wafdiga Dowladda Qatar iyo Xubno ka tirsan golaha Wasiirada oo uu hogaaminayay Ra’iisul wasaaraha ay yeesheen , waxaana ka qeybgalay Wasiirada Arrimaha Dibadda H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer , Maaliyadda H.E. Mohamed Aden Ibrahim , Waxbarashada iyo Tacliinta sare H.E. Dr. Khadar Bashir Ali , Amniga Gudaha H.E. Abdirizak Omar Mohamed , Gaadiidka iyo Duulista Hawada H.E. Ali Ahmed Jama “Jangali”, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Khaled Omar Ali , Wasiir kuxigeenka Arrimah Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Ahmed Mohamed Ali “ Kediye” , Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Major General Abdirahman Mohamed Tuuryare, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Major General Hassan Mohamed Hussein “Muungaab” iyo Mas’uuliyiin kale .
Shir Jaraa’d oo si wadajir ah ay u qabteen Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Qatar ayaa waxa ay sheegeen in laga wada hadlay Xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga xoogan ee labada dal ka dhaxeeya .
Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ayaa xusay in dalkiisu uu garab taagan yahay Soomaaliya , kana qeyb qaadan doono dib u dhiska, mashaariicda horumarinta iyo soo celinta adeegyada caafimaadka iyo kaabashaayasha dhaqaalaha.




From the comments