Mid kamid ah waxgaradka Muqdisho ku nool ayaa ku baaqay in loo midoobo kaalmeynta dadka Soomaaliyeed ee ka soo laabanaya wadanka Yemen.
Nabadoon Maxamed Ismaaciil oo saaka la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in loo baahan yahay in gacan beni’aadanimo loo fidiyo qoysaska qaxootiga ku ahaa Yemen ee dib ugu soo laabtay wadanka Hooyo Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in si fudud loo caawin karo isla markaana ay muhiim tahay in dadka shacabka ah iyo dowladdu ay iska kaashadaan arrintaasi.




From the comments