Barnaamij Taburacaad Loogu Uruurinayo Soomaalida Ku Dhibbay Yemen Oo Ka Socda Idaacadda Goobjoog

Guddiga Badbaadinta iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed ayaa hadda waxa ay shacabka si toos ah ugala hadlayaan Idaacadda Goobjoog, iyadoo uu soconayo barnaamij Tabarucaad loogu uruurinayo shacabka Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha gudigaasi Sheekh Nuur Baaruud Gurxan iyo xubno kale oo ka mid ah gudigaasi ayaa ku sugan Istuudiyaha Goobjoog, iyadoo shacab badan ay soo galayaan qadka Taleefanka si ay Lacag ugu yaboohaan walaalahooda dhibban.
Waxaad lacagta lagu shubi karaa
- Accountiga Salaama: 30581283
- Accountiga Dahabshiil: MQD 0028404
- Telefoonada EVC-da ah: 0617885353
Dadka dibadaha jooga waxay lacagaha si toos ah ugu soo diri karaan Gudoomiyaha gudiga Sheekh Nuur Baaruud oo laga helo: 0615303738 ama Marwo Batuulo Gabale, gudoomiye ku xigeenka gudigan oo laga helo: 0618949960
Hadii aad doonayso in aad ka qeybqaadato Barnaamijka si toos ah, soo wac taleefanada kala ah
0616564444
0615525758
0617073557
Dadka Soomaaliyeed ayaa laga doonayaa in ay u gurmadaan walaalahooda ku dhibban dalka Yemen, halkaasi oo dagaallo ay ka socdaan.
Goobjoog News