Guddiga badbaadada iyo samatabixinta Qaxootiga ka soo laabanaya wadanka Yemen ayaa markii labaad maanta marti ku ah Goobjoog iyagoo billaabaya barnaamijkii dhaqaale uruurinta, si wax loogu qabto shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen.
Guddoomiyaha guddigaasi Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa u sheegay Goobjoog News in maanta markii Labaad ay Idaacaddan Goobjoog ka billaabayaan barnaamijkii dhaqaalaha loogu aruurinayay qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo laabanaya wadanka Yemen iyo kuwa ku dhibban dalkaasi.
Guddigani ayaa Goobjoog kaga mahadecliyay kaalinta iyo waqtiga ay siiyeen ololaha gurmadka naf badbaadinta ah ee qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku dhibaateysan, waxayna dadka ka codsadeen in ay kaalintooda ka qaataan barnaamijkaasi.




From the comments