Musharrax Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka mid ah mas’uuliyiinta u taagan qabashada xilka madaxweyne ee maamulka loo sameynayo gobalada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxa uu ka mid noqday mas’uuliyiinta ka qeybgalay barnaamijka Gurmad iyo Gargaar oo maanta lagu uruurinayo taburucaad, iyadoo ay uruurinayaan guddiga Badbaadinta iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed.
Guuleed ayaa sheegay in uu ku yaboohay lacag dhan 5-Kun oo doolar, isaga oo tilmaamay in uu aad uga xunyahay dhibaatada Haysa dadka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Musharrax Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ku amaanay Goobjoog News dadaalka ay ku bixinayso sida loogu gurman lahaa walaalaha Soomaaliyeed ee Yemen ku dhibban.




From the comments